Dagaalo culus oo ka dhacay tuulooyin hoostaga gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, ayaa waxa ku dhintay 15 ruux in ka badan 20 kalana waa ay ku dhaawcmeen.
Sarkaal sare oo maraykan ah, ayaa Beeniyey in Maraykanku taageeray qorshayaal ay dawlada Somalidu weeraro ku qaadayso kooxaha ka so hojeeda ee Islaamiyiinta ah.
Tababaraihii hore ee Chelsea, Jose Mourinho,(oo dalkan Ingiriiska kula baxay magaca Special One) ayaa shalay markii ugu horaysay garoonka Chelsea tegay, tan iyo markii shaqada laga eryey, mudo 3 sanadood iyo badh laga joogo
Afarti kooxood ee u horreeyey ayaa ka gudbay isreereebka tooska ee16ka koox ee isugu soo haray Champions League. Waxaana ey kala yihiin Manchester United, Arsenal, Bayern Munich iyo Lyon.
Ciyaaraha Kubada cagta ee Spain, laba ciyaartoy oo reer Argentina ah ayaa mid walbi sadex gool u dhaliyey kooxdiisa, Talyaanigana maxaa Inter ku dhacay.
Shiikh Tahir Ul-Qadri oo u dhashay Pakistaan ayaa warbixin uu soo saaray oo 600 baal ah waxay ka soo horjeedaa mabda'a Alqacida ee dagaalka ku salaysan.
Maj gen Sherlock iyo ambassador Anthony Homes oo qaabilsan xafiiska arrimaha rayidka iyo militriga ee taliska ciidanka America ee Africa ayaa la tashtay Brussels.
Lix qof oo rayid ah, ayaa ku dhintay, iyadoo ilaa sideedna ay dhaawacmeen kadib markii baabuur bomb lagu soo xiray lagu weeraray wasiiru dowlaha difaaca ee dowladda ku meel gaarka ah ee Somalia, Yusuf Maxamed Indho-cadde.