Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay inay oggolaatay in hey'adda cayaraaha fudud ee IAAF, ay Caster Semenya u oggolaadaan inay heysato billadda dahabka ah ee ay kuu guuleysatay sanadkan.
Ciyaartii xalay dhexmartay kooxaha Algeria iyo Masar ee ay u loolameen booskii ugu dambeeyay ee kooxaha Africa uga qaybgalaya koobka adduunka South Africa 2010-ka ee Algeria ay 1-0 ku badisay, waxay ay saamaystay xiriirka diblomaasi ee ka dhaxeeya labada dowladood.